
05 Markaad dhibaato ku jirto, caawimaad codso
Waxaa laga yaabaa inaad ku aragto waxyaabo aad u maleyso in si liidata ama aan cadaalad aheyn loo qaabilay. Had iyo jeer isku day inaad marka hore kala hadasho badroonigaaga. U isticmaal fariimo qoraalka ama i-meelka wada xaajoodyada oo keydi fariin walba.
Waa kuwan waxa la sameeyo haddii la hadlida badroonigaaga aysan waxba soo kordhin:
Haddii aad tahay xubin urur ganacsi
Tallo ka raadso wakiilka ay shaqaaluhu doorteen ee goobtaada shaqada (luottamusmies ama luottamusedustaja) ama wakiilka badqabka shaqada. Wakiilka dukaanka ama wakiilka shaqaalaha waa qof ay shaqaalaha iska soo dhex doorteen kaasoo ku matala shaqaalaha iyo ururka ganacsiga goobta shaqada. Wakiilka badqabka aaya kormeero badqabka shaqada shaqaalaha oo garanayo sharciga quseeya.
Haddii goobtaada shaqada aysan laheyn wakiil dukaan, wakiilka shaqaalaha, ama wakiil badqabka, ayaa tallo ka raadiyo xafiiska goboleedka ururkaaga shaqaalaha ama soo wac khadka caawinta ururka.
Haddii aadan aheyn xubin urur ganacsi
Tallo ka raadso saaxiib ama wakiilka badqabka ee goobtaada shaqada. Haddii dhibaatada sii socoto, waxaad tallo ka raadsan kartaa maamulka badqabka iyo caafimaadka shaqada (oo ku qoran luqadaha Finnishka, Iswiidhishka iyo Ingiriisiga) ama adeegga la-talinta xuquuqda shaqaalaha ee SAK.
Adeegyada la-talinta
Waxaad la xiriiri kartaa adeegga la-talinta xuquuqaha shaqaalaha SAK ee bilaashka ah adigoo adeegsanaya i-meel ama taleefon. La-taliye ayaa uga jawaabayo su’aalaha i-meel ahaan workinfinland@sak.fi. Lambarka khadka waa +358 800 414 004, iyo la-taliyayaasha waxay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan su’aalaha Talaadada, 9:00–12:00, iyo Khamiista, 10:00–12:00 iyo 13:00–17:00. Wixii ka reeban saacadahaan furitaanka waxay ku qoranyihiin boggaga luuqada Ingiriiska ee adeegga la-talinta xuquuqaha shaqaalaha.
Lambarka badqabka shaqada iyo maamulka caafimaadka waa +358 295 016 620 (Isniinta-Jimcaha 9–15).
Wax badan ka aqri
Adeegga la-talinta xuquuqaha shaqaalaha SAK ee bilaashka ah (ku qoran luqadaha Finnishka, Iswiidhishka iyo Ingiriisiga)
Adeegga taleefanka ee Maamulka Badqabka iyo Caafimaadka Shaqada (ku qoran luqadaha Finnishka, Iswiidhishka iyo Ingiriisiga)
Sarkaalka baaraha Takoor La’aanta (af Finnish, Iswiidhish, Ingiriis, Istooniyaan, Isbaanish, Faransiis, Jarmal, Soomaali, Ruush, Bortuqiis, Turki, Albaaniyaan, Carabi, Shiinees, Thai, Farsi, Fiitnaamees, Tagalog, Boolish, Boosniyaan, Seerbiyaan, Karooshiyaan, Yukreeniyaan, Nebaali, Bengaali, iyo Urdu) ayaa sidoo kale kula taliyo taleefonka.
Sarkaalka baaraha ee Sinnaanta (oo ku qoran af Finnish, Iswiidhish, Ingiriisa, Istooniyaan, Soomaali, Carabi iyo Ruush) ayaa sidoo kale taleefonka kagala taliya.