Skip to content
Kartoon oo ay sadex shaqaale la ag fadhiyaan iyagoo koobab kafee ah gacantooda ku haysto iyagoo sheekeysanayo.

01 Fiiri nooca ruqsada degenaanshaha ee aad u baahan tahay

Last updated: 21.3.2026

Haddii aad tahay shaqaale ajaanib ah, hubi inaad haysato dhammaan ruqsadaha lagama maarmaanka ah ka hor intaadan imaan Finland. Markaad Finland timaado, waa inaad u cadeysaa badroonigaaga inaad xaq u leedahay inaad shaqeyso.

Muwaadaniinta wadamada Waqooyiga Yurub

Haddii aad tahay muwaadin Iceland ah, Norway, Iswiidhan ama Denmaak, waxaad xor u tahay inaad shaqo raadsato oo aad ka shaqeyso Finland.

Haddii aad Finland ku qaadato wax ka badan 6 bilood, waa inaad ku wargelisaa deegaankaaga Hay’adda Adeegyada Xogta Dijitaalka iyo Dadweynaha. Waxaad ka diiwaan gelin kartaa deegaankaaga barta adeega ee Adeega Socdaalka Finland (Migri). Waxaad sidoo kale iska diiwaan gelin kartaa onleenka ee enterfinland.fi (ku qoran af Finnish, Iswidish iyo Ingiriis). Intaa ka dib, waa inay weli ku xaqiiijiyaan Hay’adda Socdaalka Finland.

Muwaadiniinta wadamada Midowga Yurub, Liechtenstein, iyo Switzerland

Haddii aad tahay muwaadin ka tirsan Dal Xubin ka ah Midowga Yurub, Liechtenstein, ama Switzerland, waxaad xor u tahay inaad shaqo raadsato oo aad ka shaqeyso Finland.

Haddii aad Finland ku qaadato wax ka badan 3 bilood, waa inaad ku soo wargelisaa deganaanshahaaga Hay’adda Adeegyada Xogta Dhijitaalka iyo Dadweynaha. Waxaad ka diiwaan gelin kartaa deegaankaaga barta adeega ee Adeega Socdaalka Finland (Migri). Waxaad sidoo kale iska diiwaan gelin kartaa onleenka enterfinland.fi (ku qoran af Finnish, Iswidish iyo Ingiriis). Intaa ka dib, waa inay weli ku xaqiiijiyaan Hay’adda Socdaalka Finland.

Muwaadaniinta wadamada kale

Haddii aadan aheyn muwaadin u dhashay wadanka Waqooyiga Yurub, Dal Xubin ka ah Midowga Yurub, Liechtenstein, ama Switzerland, oo aad shaqo u timaado Finland, tilmaamaha soo socda ayaa ku khuseeya adiga:

  • Caadi ahaan, waxaad u baahaneysaa ruqsada deganaanshaha shaqaalaha. Waa inaad marka hore shaqo ka heshaa Finland.
  • Booqo www.enterfinland.fi (ku qoran af Finnish, Iswidish iyo Ingiriis) si aad ugu xareysid codsigaaga onleenka.
  • Haddii aadan Finland joogin oo aad codsanayso ruqsadaada deganaanshaha ugu horeeyo, waa inaad marwalba isku sheegtaa qof ahaan safaarada ama qunsuliyada Finland ee kuu dhow, ama xafiiska bixiyayaash adeega ka baxsan.
  • Haddii aad codsaneysid ruqsadaada ugu horeysa ee Finland, waa inaad booqataa barta adeega ee Adeega Socdaalka Finland si aad isu aqoonsato.

Sharuudaha loogu shaqeeyo Finland iyadoon laheyn ruqsada deganaanshaha waxay ku qorantahay Xeerka Ajaanibta Finnish (ulkomaalaislaki).

Badroonigaaga wuxuu xaq u leeyahay inuu qaato nuqulka baasaboorkaaga iyo ruqsada deganaanshaha – waxaa ku waajib ah inay xaqiijiyaan inaad leedahay xaqa aad ku shaqeyso. Si kastaba, badroonigaaga ma haysan karo dokumentiyadaada illaamaa aad ogolaansho sidaa lagu sameeyo ka bixisid.

Marnaba lacag ha bixin si aad shaqo u heshid. Waxay lid ku tahay sharciga Finland ee badrooniyada in laga codsado lacag shaqaalaha si markaas shaqo loo siiyi.

Macluumaad dheeraad ah

Raadiyaha Codsiga Adeega Socdaalka Finland (oo ku qoran af Finnish, Iswiidish iyo Ingiriis)
InfoFinland.fi : U guurista Finland (Finnish, Iswiidish, Ingiriiska, Ruushka, Istooniyaan, Yukreeniyaan, Faransiis, Isbaanish, Turki, Shiinees, Farsi iyo Carabi)

Ardayda

Haddii aad haysato shatiga deganaanshaha ardayga ee Finland, waxaad ka qeybgeli kartaa shaqo mushaar leh oo isku cel celis 30 saacadood isbuucii oo goob walba ah. Tirada saacadaha isbuuciiba ayaa dhaafi karta isbuucyada qaar, haddiiba ay tahay isku celceliska 30 saacadood isbuuciiba oo dhammaadka sannadka.

Haddii shahaadadaada ay ku jirto badelada shaqo ama mashruuca ugu dambeeyo waxaad dhameystiri kartaa xadeyno la’aan.

Wax badan ka aqri

Adeega Socdaalka Finland: Codsiga ruqsada deganaanshaha ee waxbarashada (ku qoran af Finnish, Iswiidish iyo Ingiriis)

Shaqaale xilliyeedka

Haddii aad Finland u timaado xilli gaar ah si aad uga shaqeyso qaybaha sida beeraha, beeraha qaflan, keymaha, ama dalxiiska, waxaad tahay shaqaale xilliyeed. Muddada shaqada xilliyeedka waxay noqon kartaa illaa 9 bilood oo muddo 12 bilood ah.

Gudaha Finland, sharciga wuxuu qaabeeyaa qeybo ka mid ah nolosha shaqada, laakiin arrimo badan waxaa xukumo heshiisyo wada jir ah (oo loo yaqaan “työehtosopimus” afka Finnishka, oo badanaa loo soo gaabiyo TES). Heshiisyada wadajirka ah waxaa si wadajir ah u sameeya ururka badrooniga iyo ururka shaqada oo matala shaqaalaha.

Sharuudaha iyo xaaladaha shaqada ee ku jira heshiiska wadajirka ah ee warshadaha miyiga ah ee quseeya shaqada xilliyeedka ee lagu sameeyo xiriirada shaqada, sida beeraha miraha beriga, miraha, iyo qudaarta. Dalka Finland, beeraleyda miraha beeriga duurjooga ah iyo waxyaabaha kale ee dabiiciga ah ayaa sidoo kale guud ahaan shaqeeya oo waxay ku xiran yihiin xeerarka iyo sharuudaha shaqada ee warshadaha miyiga.

Sharuudaha iyo xaaladaha shaqada ee warshadaha miyiga waxaa laga heli karaa app-ka Teollisuusliitto oo Ururka Warshadaha Finland oo ku qoran af Finnish, Iswiidish, Ingiriis, Yukreeniyaan, Ruush, iyo Thai. Waxyaabaha kale, app-ka Teollisuusliitto ayaa sidoo kale bixiyo warbixinta ku saabsan xeerarka iyo sharuudaha shaqada ee qeybaha beerta magaalada iyo keymaha oo ku qoran luuqado dhowr ah. Waxaad barnaamijka ka soo degsan kartaa taleefonkaaga adoo isticmaalayo linkigaan ama dukaamada app-ka Google ama Apple.

Ruqsadaha degenaanshaha ee loogu tallogalay shaqaalaha xilliyeedka

Haddii aad tahay muwaadin u dhashay wadan ka tirsan Midowga Yurub ama EEA oo aad Finland u timaado shaqo xilliyeed, uma baahnid ruqsada shaqo.

Haddii aadan aheyn muwaadin u dhashay waddan ka tirsan Midowga Yurub ama EEA oo aad Finland u timaado shaqo xilliyeed oo soconeysa wax ka yar 3 bilood, uma baahnid ruqsada degenaanshaha. Si kastaba ha ahaatee, waxaad u baahaneysaa inaad codsato fiisaha shaqo xilliyeedka ama shahaadada shaqo xilliyeedka:

  • Haddii aad uga timaado inaad shaqeysid wax ka yar 3 bilood wadan quseyso sharuuda fiisaha, waa inaad ka codsataa safaarada ama qunsuliyada Finland fiisaha shaqada xilliyeedka.
  • Haddii aad shaqo u timaado wadan aan fiisaha laga rabin wax ka yar 3 bilood, waa inaad ka codsataa Hay’adda Socdaalka Finland shahaadada shaqada xilliyeedka. Fadlan ogow inaad haysato maalmo laga dhaafay fiisaha oo la heli karo inta lagu jiro ansaxnimada shahaadada.

Haddii aadan aheyn muwaadin u dhashay wadan ka tirsan Midowga Yurub ama EEA oo aad Finland u timaado shaqo xilliyeed oo soconaysa 3-9 bilood, waa inaad ka codsataa Xafiiska Socdaalka Finland ruqsada degenaanshaha ee shaqada xilliyeedka. Haddii shaqadaada ay socoto in ka badan 9 bilood, waa inaad codsataa ruqsada degenaanshaha shaqaalaha.

Haddii horaan lagaaga shaqaaleysiiyay shaqada xiliyeedka ee Finland, tan waxay saameyn kartaa ruqsadaada shaqqada xiliyeedka ee cusub. Marka la xisaabinayo dhererka shaqadaada xilliyeedka, Adeega Socdaalka ayaa sidoo kale tixgelinayo muddo walboo hore ee shaqada xiliyeedka ee ku dhacda 12 bilood gudaheed ee ka horeyso dhacitaanka ruqsadda aad codsaneysid.

Haddii aad rabto inaad ku darto badrooniga xiliyeedka cusub ruqsadaada shaqo xiliyeedka hadda, waxaad u gudbin kartaa codsi Adeega Socdaalka Finland si aad ugu dartid badrooni.

Shaqaalaha xilliyeedka waa inay si gooni ah uga codsadaan Hay’adda Caymiska Bulshada ee Finland (af Finnish ahaan markii la soo gaabiyo “Kela”) ee xuquuqda daryeelka caafimaadka ee Finland. Tilmaamo aad sharaxan ayaa laga helayaa gudaha adeega onleenka Kela (oo ku qoran af Finnish, Iswidish iyo Ingiriis).

Tilmaamo sharaxan ee ku saabsan ruqsadaha looga baahan yahay shaqaalaha xilliyeedka

Adeega Socdaalka Finland: Shaqada xilliyeedka (oo ku qoran af Finnish, Iswidish iyo Ingiriis)

Beertayaasha miraha beeriga duurjoogta

Gudaha Finland, beeraleyda miraha beeriga duurjoogta iyo waxyaabaha kale ee dabiiciga ah ayaa guud ahaan la isticmaalaa, taasoo la macno ah inay quseyso isla xeerarka shaqaalaha kale ee xilliyeedka. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad iibiso miraha aad u xulatay ganacsiga miraha beeriga iyo oo aadan aheyn shaqaale ka tirsan shirkaddaas, tusaale ahaan, inaadan xiriir shaqo la laheyn, waxaa ku quseeyo Xeerka Beriga. Waxaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan xuquuqahaaga sida waafaqsan Xeerka Beriga ee adeegga onleenka ee Badqabka Shaqada iyi Maamulka Caafimaadka oo ku qoran af Finnish, Iswiidish, Ingiriis, Thai, Yukreeniyaan, iyo Ruushka.

Shaqaalaha ku meelgaarka dibada

Shaqaalaha ku meelgaarka dibada ayaa badanaa wuxuu ka shaqeeyaa waddan aan aheyn Finland. Shaqaalaha ku meelgaarka dibada waxaa u soo diro Finland badroonigooda oo muddo kooban si ay halkaas uga sameeyaan shaqo ku meel gaar ah sida qandaraasle hoosaad, wareejinta shirkada ee gudaha ah, ama shaqaalaha hay’ada ee ku meelgaarka ah.

Shaqaalaha ku meelgaarka dibada, waa in la siiyaa ugu yaraan mushaarka ku xusan heshiiska wadareedka ee Finland.

Wax badan ka aqri

Tyosuojelu.fi: Shaqaalaha ku meelgaarka dibada (oo ku qoran af Finnish, Iswiidish iyo Ingiriis)