Skip to content
Kartoon shaqaalaha jikada oo isticmaalaya mobeelka gacanta.

03 Ka faa’iideysi shaqada ee la aqoonsanyahay

Last updated: 29.3.2026

Ka faa’ideysiga shaqada waxay ka dhigantahay in badrooni, tusaale ahaan:

  • uu bixiyo lacag ka yar mushaarada lagu qeexay heshiiska wadareedka iyo sharciga (lacag bixin yar)
  • uusan siin shaqaalaha maalmaha fasaxa ee uu ku qoranyahay sharciga iyo heshiiska wadareedka
  • ku laasima shaqaalaha inay shaqeeyaan saacado badan oo xad dhaaf ah iyagoon wax magdhow ah la siin
  • lacag uga aruuriyo shaqaalaha sida magdhowga shaqada ama shatiga deganaanshaha
  • ka mamnuuco shaqaalaha inay qaataan fasaxa jirada
  • aanan diyaarin daeryeelka caafimaadka shaqada
  • bixiyo xaaladaha guriyeynta aan bani’aadamka ku habooneyn.

Haddii badroonigaaga uu yahay mid aan lacag bixin ama aan u suurtogaleyn inuu bixiyo mushaaro, waxaad ka codsan kartaa Xarunta KEHA mushaarka amniga (oo ku qoran af Finnish “palkkaturva”). Waxaad codsiga ugu soo gudbin kartaa elektaroonig ahaan websaydka Xarunta KEHA (oo ku qoran af Finnish iyo Iswiidishka) ama waxaad codsi warqad ah kusoo gudbin kartaa Xarunta KEHA. Dhaqso ka falceli! Codsiga amniga mushaarka waa in lagu soo gudbiyaa sadex bilood gudahood laga bilaabo taariiqda aheyd inaad heshid mushaarkaaga.

Haddii aad ka shakido inaad tahay dhibbanaha ka faa’ideysiga dambiga shaqada, waxaad la xiriiri kartaa booliiska ama Taageerada Dhibanayaasha Finland (RIKU). Waxaad si qarsoodi ah ula xiriiri kartaa Taageerada Dhibanayaasha Finland si aad uga hesho tallo ku saabsan sidii aad u sii wadi laheyd. Fadlan kula xiriir Taageerada Dhibanayaasha Finland i-meelka (help@riku.fi) ama taleefon ahaan (oo ay ku jiraan fariimo qoraalka ama WhatsApp) +358 40 632 9293.

Waxaad kala xiriiri kartaa Nidaamka Caawinta ee Dhibanayaasha Ka Ganacsiga Dadka adigoo wacaya +358 295 463 177.

Haddii noloshaada ama caafimaadkaaga ay khatar degdeg ah ugu jiraan goobtaada shaqada, isla markiiba soo wac lambarka xaalada degdega ah ee guud 112.

Wax badan ka aqri

Booliska: Sida loo wargeliyo dambi (af Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis)
Taageerada Dhibanayaasha Finland (af Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis)
Nidaamka Caawinta ee Dhibanayaasha Ka Ganacsiga Dadka (oo ku qoran af Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis)

Websaydka Nidaamka Caawinta ee Dhibanayaasha Ka Ganacsiga Dadka ayaa sidoo kale ku bixisa macluumaad luuqadaha soo socda:

  • Albaaniyaan
  • Carabi
  • Bengaali
  • Bulgaariya
  • Daari
  • Isbaanish
  • Shiinees
  • Farsi (Faarsi)
  • Kurdish (Soorani)
  • Kurmaanji
  • Boolish
  • Faransiis
  • Roomaaniyaan
  • Soomaali
  • Thai
  • Turki
  • Yukreeniyaan
  • Ruush
  • Fiitnaamees
  • Istooniyaan

Haddii aad aheyd dhibanaha ka faa’idaysiga iyo dayacaad weyn oo uu sameeyay badroonigaaga, waxaad codsan kartaa ruqsada kordhinta ama shahaadada xuquuqda shaqo ee la kordhiyay iyo badelka badroonigaaga. Waa inaad haysataa ruqsadda degenaanshaha ee Finland oo ay ku jiraan xuquuqda lagu shaqeeyo.

Adeegyada Socdaalka Finland (ku qoran af Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis)

Websaydka Adeega Socdaalka Finnish ayaa sidoo kale bixiyo macluumaadka ku saabsan kordhinta ruqsadaha iyo shahaadada quseyso xaquuqda la kordhiyay ee shaqada ee luuqadaha xiggo:

  • Albaaniyaan
  • Carabi
  • Bengaali
  • Daari
  • Hindi
  • Shiinees
  • Neebaali
  • Sinhala (Sinhaliis)
  • Taamil
  • Thai
  • Turki
  • Yukreeniyaan
  • Uzbekistaan
  • Ruush
  • Fiitnaamees