Skip to content
Kartoon shaqaale xiran dharka shaqada.

Waxyaabaha aasaasiga u ah ka shaqeynta Finland

Gudaha Finland, shaqaalaha ajaanibta ah waxay leeyihiin isla xuquuqaha iyo masuuliyadaha la midka ah kuwa shaqaalaha Finnishka ah

Gudaha Finland, sharciyada iyo heshiisyada wadajirka ah waxay qeexaan xuquuqaha iyo waajibaadyada shaqaalaha iyo badrooniyada, tusaale ahaan, xeerarka iyo shuruudaha shaqada. Gudaha Finland, shaqaalaha ajaanibta ah waxay leeyihiin isla xuquuqaha iyo masuuliyadaha la midka ah kuwa shaqaalaha Finnishka ah.

Adeeggaan onleenka ah, waxaan ku bixinnaa macluumaad ku saabsan xuquuqaha iyo waajibaadyada shaqaalaha gudaha Finland, iyo sidoo kale sida ruqsadaha looga baahanyahay shaqaalaha imaanaya Finland. Waxaan sidoo kale ku bixinaa hagid ku saabsan waxa la sameeyo haddii aad la kulantid dhibaatooyinka goobtaada shaqada.